Ciidamada Ruushka ayaa qabsaday magaalada Kherson ee koonfurta Ukraine, taasoo guul muhiim ah u ah Moscow ka dib dib u dhacyo is daba joog ah oo ay la kulmayeen Ciidamada Ruushka
Magaalada labaad ee Ukraine ee Kharkiv ayaa waxaa ka socda duqeymo ba’an oo Ruushku ku hayo, taasi oo sababtay burburka dhismayaal iyo xarumo kale oo ay ku jiraan kuwo ciidann
Warbaahinta kala duwan ee ku sugan Caasimada Kiav ee Ukraine ayaa waxay kusoo waramayaan in qaraxyo waawayn laga maqlay gabi ahaanba caasimada taasi oo aan la ogayn waxa sababay balse loo malaynayo in dalka ruushku sii kaba jibaaray duqeynta uu ku hayo caasimada
Kolonyada militariga Ruushka ee ku sugan waqooyiga Kyiv ayaa weli isdaba taagan in ka badan 30km meel u jirta caasimadda, taasina waxay ka dhalatay iska caabin adag oo ay kala kulmeen ciidama Ukraine dhanka kalena waxa jirta in ciidamada ruushku soo foodsaaray sahay yaraan dhanka saad iyo ciidankaba
Dawlada Ruushka ayaa sheegtay in 498 ka mid ah ciidamadooda lagu dilay dalka Ukrain, waana dhimashadii ugu horreysay ee lagu dhawaaqo tan iyo markii madaxweyne Vladimir Putin uu billaabay duullaankiisa 24-kii bisha February, lamana oga khasaaraha dhabta ah ee labada dhinac soo kala gaaray. Qaramada Midoobay ayaa diiwaangelisay ugu yaraan 227 dhimasho oo rayid ah, laakiin waxay sheegtay in tirada dhabta ah ay u badan tahay inay ka badan tahay.
Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh u meel mariyay qaraar ay ku dalbanayaan in Ruushku "si degdeg ah" ciidamadiisa ugala baxo Ukraine. inkastoo Moscow ay heshay taageerada afar wadan oo ay ka mid yihiin - Belarus, North Korea, Eritrea iyo Syria.
Ciidamada qalabka sida ee Sweden ayaa sheegay in afar diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo laga leeyahay dalka Ruushka ay soo galeen hawada dalkooga gaar ahaan dhanka badda Baltiga
In ka badan hal milyan oo qaxooti ah ayaa hadda ka qaxay dagaallada ka socda Ukraine, iyadoo Qaramada Midoobay ay ku tilmaantay qaxii ugu dhaqsiyaha badnaa ee dadka qarnigan. iyadoona Toddobo maalmood gudahood ay qaxeen hal milyan oo qaxooti ah kuwaasoo ka cararaya dagaalada Ukraine una gudbaya wadamada midawga Yurub
Waxa Qoray oo diyaariyay Wariye Nuux kadiye
0 Comments