Ruwaanda, dal yar oo aan bad lahayn, isla markaana dhaca bariga badhtamaha Afrika, dacalka koonfureed ee dhulbadhaha. Inta badan dhulku waa barwaaqo, cagaaran oo ilqabatin leh. Dadka dalkaas, waxa lagu sheegay 12.6 milyan, halka caasimadda oo Kigaali ah ay ku nool yihiin kaliya 1.1 milyan. Waa mid ka mid ah dalalka Afrika ee cufnaanta tirada dadku ugu sareyso.
In badan ayaan dalkaas dhinacyada ka dhaafdhaafay, ka hor inta aanan dhawaan safar gaaban ku gaadhin. Dadka xog-ogaalka ahi, marka ay magaca Ruwaanda maqlaan, laba shay ayaa maskaxdooda ku soo degdega: xasuuqii raadgurka ahaa ee ka dhacay dalkaas sannadkii 1994-kii iyo soo kabashada la yaabka leh ee dalku sameeyey. Dhawr sanno ka hor ayaan akhriyey labada buug ee “An Ordinary Man: The True Story Behind Hotel Rwanda” iyo “Left to Tell,” Laba ruux oo dalkaas u dhashay ayaa hororkii ay goobjoogga u ahaayeen dunida u soo wariyey. Ka hore, sheekada buugga filim laga jilay oo caan noqday baa jira, dunidana ku baahay. Ta xiisaha lihi waxa weeyi ninkii buuggaa qoray Paul Rusesabagina, maxkamad ayaa dhawaan isla dalkaasi ku xukuntay 25 sanno oo xadhig ah. Argagixiso ayaa lagu helay baa la yidhi, iyaga iyo ku Allahoode.
Ruwaanda, goob kasta oo aan maro, dhacdooyin la yaab leh oo labadaas buug aan ka akhriyey ayaa maskaxdayda ku soo dhacayey. Buugga Left to Tell ee ay qortay Immaculee llibagiza, inkasta oo sida ka hore aanu u ahayn shaacsane caanbaxay, haddana maskaxdayda aad buu uga dhex guuxayey. Gabadha buugga qortay qoyskeeda oo dhan ayay ku waayaysaa xasuuqan, marka laga reebo hal wiil oo walaalkeed ah, kaasi oo waxbarasho ugu maqnaa dalka Siniigaal. Sida ay ku badbaaday ayaa ah qiso aad u xanuun badan. Saddex bilood oo dhuumasho ah oo ay ku noolayd musqul guri Baadari leeyahay ayaa bixiso u noqotay. Balse waa saddex bilood oo cadaab nafsaani ah oo aan la suuraysan karin ay soo martay. Waa ayaamo inta ugu badan ay kadalloob ku dhammaysatay. 91 maalmood oo waxay ahayeen aan dhinacna loo nuuxsan karayn, ilayn dhuumasho ayay ku jirtaye. Iyada se waxay u noqotay waqti ay ruuxdeeda dhisto, is hesho oo ay nafteeda la shawrto. Inta jeer ee xagjirka xasuuqa horboodayay guriga yimaadeen ee baadheen tiro ma lahayn. Maalmaha qaar, dhawr jeer oo baadhis culus ah ayay guriga Baadariga ku galalafi jireen.
Sheekooyinkii buuggaa ayaa maskaxdayda mar walba ku soo maaxanayey. Geedaha waaweyn marka aan arko, waxaan iswaydiinayey, haddii laga hadlin lahaa, waxa ay xog hayaan. Waxa ay dhacdo murugo leh warin lahaayeen. Qof dheer markaan arko- dadka dhaadheerna meesha ku badane, waxaan maskaxiyan u milicsanayey muuqaal maskaxeedkii Emaculee ay noo sawirtay. Waa kooxihii xagjirka ahaa oo ku guda jira waalidii xasuuqa iyo googoyntii dadka. Si aanay uga kala cararin, horta waa inay dadka ay gummaadayaan gaagaabiyaan oo lugaha ka gammuuraan. Dad wada dhantaalan oo cagaha laga qoomay, markoogana sugaya in si arxandarran faash loogu silciyo! Tani waxa ii sii xoojiyey markii la ii sheegay in mulkiilihii huteelka aan deganaa; isaga, xaaskiisa iyo carruurtiisiba xasuuqaa lagu cidhibtiray. Laba hablood oo ay walaalo ahaayeen, midna xasuuqa ka badbaaday, midna markaa dibadda ku maqnayd ayaa hadda meheradda dhaxlay.
Xasuuqaas iyo raadkii uu ka tegay xarun weyn oo lagu soo bandhigo ayay Kigali ka sameeyeen. Dadkii la gummaaday qaarkood lafahoodii iyo madaxyo qalfoof ah baa meesha yaal. Hubkii xasuuqa loo adeegsaday: rayfal, midi, faash, gudin, waran iyo walxo kale oo la soo ururriyey ayaa tusaale ahaan meesha ugu kaydsan. Sannad walba xus gaar ah ayay u qabtaan. Dunida meelo badan ayaa looga yimaadaa si cashar looga barto. Ujeedadu waa in tii la soo maray aan lagu noqon, dhacdooyinkii shalayna cashar laga barto.
Maanta iyo Ruwaanda
Is cidhibtirkaas iyo waxa ka dhasha, nin ay ku hadhay dhibi haysataaye, iyagu si la yaableh ayay uga soo kabteene, ku soo noqo Ruwaandada maanta. Bilawgiiba, daaqadda diyaaradda markaan ka milicsaday harooyinka sida teelteelka ah isku dabayaalla, waxaan u garaabay culimada sayniska dhulka ee arladaas u bixisay “Gobolka Harooyinka Waaweyn”. Magac been uma baxo.
Madaarka marka aad ka soo degtaba, isha wax u fiirsanaysaa waxaanay seegayn sida tiknoolajiyadda ay uga faa’iidaysteen ee ay nolosha qayb weyn uga tahay. Shaqaale carbisan oo ‘iPad’ wada sita ayaa saf loo galaa. Saddex shay waa inaad tustaa, iyaguna sugnaanshaha saddexdaa walxood aaladda ay sitaan ay ku hubiyaan: 1) inaad ka bedqabto Koofidh-19, 2) caddayn muujinaysa hoteelka aad degayso iyo 3) fayl elektaroonic ah oo xogtaadu ku dhan tahay, ‘Locator’ ayay yidhaahdaane. Sida wadamo badan imika ka jirta, qof kasta oo dalkaa u safrayaa, inta aanu dhoofin, qaab online ah inuu xogtiisa ku gudbiyo ayaa qasab ah. Waxaan iswaydiiyey haddii diyaarado waaweyni mar soo wada degaan, sida rakaabka ay u kala horrayaan, waxase la ii sheegay inay kartidaasi leeyihiin.
La soco qaybta 2aad…..
0 Comments