Hadal haynta dahabka laga helay bariga Boorama

 Boorama ma dahab ayaa laga helay , halkee laga helay , dadkuse sidee ayay arintaasi u hadal hayaan 



Magaalada Boorama ee caasimada gobolka Awdal waxa maalmahan si wayn looga hadal hayaa in dahab laga helay dhanka bari kaga beegan magaalada gaar ahaan meelaha dooxyada . Taasi waxa ay sababtay in boqolaal dadweyne ahi ay halkaasi isku shubaan si ay wax uga soo ogaadaan jiritaanka dahabkaasi la sheegay 






Meelaha dadku isku yimaadaan iyo goobaha fadhi ku dirirka ayaa si wayn dadku uga sheekaysanayaan dahabkaasi la sheegay , dadka qaar ayaa tilmaamay inay jiraan dad helay dahabka iyaga oo adeegsanaya saacadaha lagu baadho hase ahaatee lama yaqaan tirada cadadka dahab ee la helay 





Warar kala duwan oo soo baxaya waxay sheegeen in qalab kala duwan ay magaalada soo gaadheen kuwaasi oo ay leeyihiin macdan baadhayaal u dhashay gobolka sanaag ee somaliland 



Qalabkaasi ayaa qaarkood ah kuwo kirro ah halka kuwa kalana heshiis lagu yahay hadii macdan la helana loo qaybtami lahaa 




Si kastaba ha ahaatee magaalada Boorama waxa ku badan hadal haynta macdanta dahabka ee laga helay bari magaalada taasina ay dadweynuhu u arkaan jaanis wayn oo maalmo gudahood maalqabeen lagu noqonayo





 



0 Comments

Telesom

Telesom
Bc Game

About