Qaran mise Qabiil? Waxa qoray siyaasi Maxamuud Ruush

Jawar Mohamed, ninkii Oromada kiciyey, ee wax ka dhigay, waxay ku qaadatay 10 sanno in uu Oromada ka dhaadhiciyo inay Oromo yihiin, iyaga oo Oromo ahna ay xaqooda raadsadaan, wuxu u sheegay in aanu jirin wax la yidhaahdo: "Qaran Ethiopia ah oo qowmiyadaha si siman ugu adeega", wuxu tusay in qaranka Ethiopia yahay Amxaaro, Amxaaraduna tahay qaranka Ethiopia, sidoo kale wuxu u sheegay in qaranka Ethiopia yahay Tigray, Tigray-guna yahay qaranka Ethiopia.

Labadan qowmiyadood waxay rumaysanyhiin inay Ethiopia iyagu leeyihiin, inay iyagu leeyihiin dadka degan Ethiopia, qaranka Ethiopia-yana marba midbaa noqda.



Afka Ethiopia lagaga hadlaa waa amxaari, xukunka dalka waxa isku badbadala Amxaar iyo Tigray, dhaqaalaha, ciidanka, waxbarashada, shaqada,iyo manfac walba oo dowladnimada ka dhasha iyagaa leh.

Cida dhaqan xumadaa ka hadashaa waa qaran dumis, dalal cadow Ethiopia ku ah ayaa adeegsanaya, waa khaayinul-wadan, iska horkeenaya ummada reer Ethiopia iyo qaranka Ethiopia, intaa kadib waxa la xalaashadaa dhiigooda.

SNM ayaa doonaysa inay qarnigan 21aad nagu yidhaahdaan waxa jira qaran Somaliland la yidhaahdo oo lawada leeyahay?

Qaranka Somaliland waa SNM, SNM-na waa qaranka Somaliland, SNM lafteeda ayaa qaranimada kala sheegata,hadba waxa qaranka Somaliland u dhigma reerka Madaxtooyada fadhiya, hada cida ah qaranka Somaliland waa lawada garanayaa!
Reer Awdal?

Qaranka ma waxa wada leh sideeda beelood ee SNM?
Kicin dadwayne? Madaxda SNM si joogta ah oon la gabad lahayn ayey ummada u kala qaybiyaan, waxay hadh iyo habeen Tv-yada la joogaan dalbaan dhiig u daadinay! Tani miyeyna dadka reer Awdal iyo reer Sool xasaasiyad ku kicinayn?

Kicin dadwayne? Madaxdii Kulmiye/SNM ayaa waxay M/weyne daahir Rayaale ku odhan jireen: waa faqash iyo dadbuu Berbera ku laayey, miyeyna taasi ahayn kicin dadwayne?
Dastuur hala ilaaliyo? Ayaa xidhay xil dhakool oo xasaanad lahaa?

"Xoolo wadari leedahay
Keligii nin xaabsada
Isna xoor ha waayee
Ka dalooli xeedhada
Waa xeerka sabankani
Lagu kala xisaab baxo."

-Abwaan Qiiq

0 Comments

Telesom

Telesom
Bc Game

About