Ma Kulmiyaa Innoo Roon Mise Wadani? Siyaasi Maxmuud Ruush ayaa qoray

Horta ku dheeraanmaayo, SNM waa isku wada aragti marka ay noqoto sida ay u arkaan intaan iyaga ahayn, waxay isku qaybiyaan 8 qolo, inta kalena waa hal hal? Macnaheedu waxa weeyi, marka ay sideed jeer wax qaataan ayey dadka kalena hal mar wax helaan!

Su'aalaha mudan in la iswaydiiyo marka aad tahay dadka dega Awdal iyo qaybo ka mida gobolka Maroodi Jeex, waxa weeyi:


1. Dadka degan gobollada galbeedku muhiimad intee le'eg ayey ugu fadhiyaan jiritaanka Somaliland?
2. Dhaqaalaha cashuureed ee ay bixiyaan(35%) dadka degan gobollada galbeedku, muxuu uga dhiganyahay dowlada Somaliland?
3.Waa ayo dadka dhalay Somaliland ee dhaxalkeeda u simani?
Markaad ogaato qiimahaaga waxad xaq u leedahay:


1. In aad maamulato deegaanadaada, waxna la wadaagto Somaliland-ta kale(Federal)
2. In aad sida ay hada u dhisantahay dowlada Somaliland(Centralized) aad ka mid noqota dadka taladeeda gooya
3. ?
In aad hesho dhamaan xuquuqahaaga siyaasiga ahi kuma xidhna:
1. In aanad qayb ka ahayn halgankii bilaa ujeedada iyo bilaa ajendayaasha ahaa ee qaybta ka ahaa burburkii ummada Soomaaliyeed
2. In aad tiro yartahay iyo in aad tirobadantahay waayo la'aantaa Somaliland wax la yidhaahdaa jirimayso
3. In aad leedahay dhul wayn iyo in aad leedahay dhul yar

0 Comments

Telesom

Telesom
Bc Game

About