W/Q Siyaasi Mohamed Sidik - Dhamme
Baadhista wasaaradda diinta iyo awqaafta laguma kalsoonan karo, Coldoon waa in uu helaa caddaalad!
Xadhig kasta oo aan waafaqsnaynayn Dastuurka Somaliland waa xaq darro, Coldoon mar haddi aan warqad waarana oo maxakamadeed lagu soo qaban oo aanu jirin faldanbiyeed uu ku fooganaa wuxuu caawa ku xidhan yahay sharci darro iyo dastuur jebin. keenidda madheera waxay muujinaysaa cadaawad iyo aarsi cid gaara lagu raalli gelinaayo oo aan inna dhaqayn qaran ahaan.
Xukuumadda waajib waxa ku ah foolxumada dul hoganaysa Jaamacadda Barwaaqo in loo saaro guddi madaxbanaan, baadhista wasaaradda diinta iyo awqaafta laguma kalsoonaan karo, waa in la helaa cid xilkasa oo ka madaxbanaan dano gaara. dooda laysku hayaa waa xasaasi mustaqbalka ubadkeena in la hagaajiyo diin ahaan iyo akhlaaq ahaanna ummadday dan u tahay.
Dastuurka Somaliland qodobka 5aad farqadiisa 1aad waxay inoo faraysaa waajibkan qaran ahaan.
1. Diinta Qaranka Somaliland waa Diinta Islaamka; waxaana geyiga Somaliland ka reebban faafinta diin aan ahayn Diinta Islaamka. waa in aan ka dhayalsan dhacdadan oo aan lagu dhaafin majara habaabin runta cad.
0 Comments