15 sano ka hor Baarlamaankii la soo doortay Soomaliland waxay Gudoomiye mucaarid ah u doorteen Cabdiraxmaan Ciro iyada oo dhamaan Xildhibaanadii Muxaafidku Golaha ka baxeen is jiid jiid ka dib Madaxwaynahii xiligaa Rayaale wuxuu aqbalay shir gudoonkii dhinaca kaliya ahi doortay.
Waqtigaa isbahaysigii mucaaridku si isku duuban ayay iskugu xidhnaayeen ilaa maalintii ay shirgudonkooda doorteen.
Maanta wali waa la Isla meeraysanayaa balse dhanka Sharciga wali Madaxwaynaha ayaa isku yeedhida laga sugayaa. Waxaa muuqata in sidii waqtigaa xaalku ka duwan yahay oo loo kala jabay laba dhinac oo isku milan qabyaaladse ka maqnayn waxase inagu cusub odayada dhaqanka oo qayb ka ah kala dilaalida Xildhibanada oo qolo Dawlada la socoto qolo kalena Mucaaridka waqtina ku bixinaya sidii Xildhibaanka matela meel kale uga dajin lahaa.
Sida ilaa hada wax u socdaa waxaan ka mid ahay dadkaan ku qanacsanayn oo raba sidii wanaagsanayd ee Doorashadu inoogu dhacday in wanaag waxa hadhay inoogu dhamaadaan arimahana dhulka la dhigo Mucaarid iyo Muxaafid labadaba lagana shaqeeyo horumarka.
Qoraaga - Abdinaasir Daahir Cigge
0 Comments