Duunyo dhaxal iyo miduu dhaqday midna ma jirin wuxuu
ahaa sabool aan lahayn dhaqaale fiilooyin lagu bineeyo. Xisbiga kulmiye markuu
talada dalka ku guulaystay waxa loo magacaabay Xoghayha Dawlada Hoose ee Berbera.
Muddo sannad iyo sideed bilood ku
simanbuu ahaa Wasiirk ku xigeen marba laba wasaaradood loo kala bedelay.
Wasaaradda hadda uu ku xigeenka ka yahay wuxuu
xafiiskeeda jooga nususaac inku siman shaqaalaha wasraadana intooda badan ismabay
baran, Waa wasiira u dhego nugul qasriga waxaana loo diro arrimaha u baahan furfurida deegaanka
uu kasoo jeedo, shaqada wasaaradda uu ku
ismanyahay waxa u dheer oo baal socota shaqo gaara. Aqoon iyo waayo aragnimo oo
ku hago ummada ma jirto waxaan ka ahayn dhego nugayl qasriga uu fusho danaha
leexsan ee deegaanka uu kasoo jeeda gala.
Wasiirku waa maalqabeen maanta wuxuu binaystay laba
fiilo oo uu ka jeexday galbeedka Hargaysa, fiilo kalena wuxuu ka bineeyay
waqooyiga Hargaysa, jagooyin banana iyo baloodho seesan ay u dheera, wuxuu aad
uga fara qabsaday xilka qaranka ee xurmadiisu tahay xilgudasho iyo xannaano
xatooyo la’aana. Qoyskii miyiga degenaa wuu soo magaaleeyay oo hadda wuxuu
dejiyay dabaq.
Wasiirkani wuxuu aad uga faa’iday dilaal uu ka qaatay
iibkii xaaranta ahaa ee Haamahii kaydka shidaalka Berbera, wuxu ka mid ahaa
macal qabadkii dilaalay ee iibshay Haamaha,waa foolaadkii masuuliyiintii aan nasan ilaa
maalinti u danbaysay. Sahankalena hadda wuu ku jiraa. dilaalidda uga dheef badan mushaharka yar ee
aan ku filayn. Kelidi kama dheefine masuulyinbadan ayaa ka taajiray xaqul qalin
iyo dilaalidda danta guud ee ummada ka
dhxaysa.
Xukuumadeenani waxay noqotay xaraasha aan reebayn
baloodho, dhulkii hore u galbaday waxa ka daran meelaha sahankoodi lagu
maqanyahay ee hadda la wado qorshayaashi lagu xaraashi lahaa, dhaxal wareega
sidan ahi wuxuu halis ku yahay mustqablka jiilka soo kacaya oo dhaxli doona
dawlad kiro gasha oo aan lahayn baloodh danguuda oo dadka loogu adeego.
Waxa u furan majlisyo laga ammaano oo xerta la dhinaca
ahi ku barjeeyaan, marfashyadaa waxa ku baxa kharashbadan oo u qabysan qayil,
biyo iyo sharaab. Waxa la raqayaa oo majliska lgu budlinayaa cashuurta masaakinta
bacadka fadhiista. Mararka xaaladaha guulwadayntu jiraan marfashyadaasi waa
mashquul dadbadani kusoo qulqulan oo aan lagu kala bixin jabane ilaa biyo
raacsi.
Wasiirka hantida aanu hore u lahayn ee aanu tabcan
dhistay musharkiisa waynu wada ognahay ma dhaafsiisna nololmaalmeedkiisa iyo
kharashaadka uu galo bisha, shaxaadka iyo inta ku daba nool ee uu u masruufo si
dadban xaddi malaha, musharahkiisa haddu urursho sannad hantida uu dhistay iyo
dhulka uu seestay ma dhisan karo. Wuxuunbuu ka dhisan karaa boobka iyo musuqa
cashuurta iyo danta guud ee ummada.
Musuqaa muuqda ee aan qarsoonayn kelidii maaha ragbadan
oo xil hayaa la mida oo intaa in ka badan ka xantoobsaday cashuurta ummada,
imisa Masuul ayaad garanaysaa oo aan lahayn duunyo hore oo maanta fooqyo iyo
fiilo kala jidan cashuurta ka binaystay, darbaa intay dhaafeen dalka dibadaha
daaro ka iibsaday oo cashuurta ummada saro dhaadheer cari kale samaystay.
Masuuliyadu maaha maal urursi iyo cashur boobid, xilka
qaranku ma mudna in lagu xado ummada oo lagu boobo cashuurta iyo hantida ummada
ka dhaxaysa, maamulkeeni iyo
masuuliyadda dawladnimo waxay noqotay madal macaash oo laga dheefo
dhaqaale, masuul kasta oo la magacaabo mudo kooban ayuu isku bedelayaa nolol
ahaan oo uu boobayaa cashurta ummada, guryo aanu lahayna la sheegaya inuu
dhistay. Waxa loo baahanyahay masuuliyad loogu adeego ummada dayacan.
Maxamed Sidiiq Dhamme
0 Comments