Madaxwayne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Cabsi Ka Muujiyey Murashaxnimada Xaglatoosiye Iyo Korodhka Taageero Ee Wasiirka Caafimaadka.

Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ahna Musharaxa madaxweyne xigeenka Kulmiye iyo wasiirka caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye, oo isaguna ah  musharax madaxweyne xigeen ee Kulmiye ayuu u dhexeeyaa loolan adag oo ku saabsan hanashada golaha dhexe ee Kulmiye si mid walba u gaadho jagada uu qoondaystay




Mudane Saylici iyo Xaglotoosiye ayaa ku hirdamaya golaha dhexe ee Kulmiye oo mid walba kulamo kala duwan la yeeshay degaannada kala duwan ee golaha dhexe ka soo kala jeedo. Xaglotoosiye oo qunyar socodnimo ku bilaabay ololihiisa ayaa la sheegtay inuu helay kalsoonida tiro badan oo golaha dhexe ah, taasi oo sababtay in madaxweyne xigeenku dardar galiyo kulamaddiisa golaha dhexe.Wasiir Xaglotoosiye ayaa sidoo kale la sheegay inuu diiday dalab ahaa inuu tanaasulo oo uga yimid madaxweynaha, wuxuuna ku adkaystay inay ka go’an tahay tartan uu u galo kursiga kuxigeenka madaxweynaha. Waxa uu hore u sheegay in hanashadiisa kursigaasi horseedayso midnimada Somaliland.Geesta kale Madaxwayne kuxigeenka Somaliland Ayaan bilawgii goobta soo dhigan Awoodda xaglatoosiye balse maalmihii la soo dhaafay ayaa si wayn loo dareemayay taageerada uu Murashax Xaglatoosiye oo isagu markii uu ku dhawaaqay murashaxnimadiisaba ay u guuxeen badi Bulshada Somaliland.

0 Comments

Telesom

Telesom
Bc Game

About