Gefkii maayarka borama u geystay Guryihii dadka shacabku lahaayeen saxaafadu Goob joog bay ahayd ''' Sawiro'''

Maayarka magaalada boorama maxamed Xuseen maydhane ayaa si kas iyo maag ah u dumiyay dhul uu ku sheegay inay tahay Dhul dan guud ah balse dhulkaasi dad ayaa lahaa sida ay warbaahinta u sheegeen
Hase ahaatee waxa ay arintani noqotay mid hadal hayn badan kadib markii shacabka magaalada borama ku nooli is waydiiyeen talaabadii ugu horeysay ee uu qaaday maayaar maydhane ay ahayd inuu xoog u adeegsaday inuu dumiyay dhul dhisnaa oo sees lahaa taasina ay keentay dadkii dhulkaasi lahaa inay digniino iyo eedayn is barkan u jeediyaan n maamulka degmada borama kana codsadeen in dib dhulkooga loogu dhiso, balse amuurtani ayaa dhakafaar ku riday shacabka reer borama waana talaabadii ugu horeysay ee uu qaaday maayarka boorama hase ahaatee laga soo horjeestay uuna ku fashilmay talaabadaasi ....

Si kastaba ha ahaatee maayarka magaalada boorama ayaa hawl galkani ugu magac daray mid uu ku banaynayo wadooyin ama jidad balse waxa iyadu xusid mudan in hawl galkani uu maayarka magaalada borama uu ku bilaabay duleedka magaalada borama oo ah meel aan habayaraatee aanu wax guri ah ku yaalin balse goobihiii uu dumiyay ayaa intooda badani waxay ahaayeen dhul ay dad shacab ahi lahaayeen teeda kale waxa is waydiin mudan muxuu maayarka boorama hawlgalkiisa uga bilaabi waayay Gudaha magaalada boorama oo u baahan wado banayn uu hawlgal dano gaar ah leh uga bilaabay meel magaalada ka baxsan oo mustaqbalka marka la gaadho laga wada hadli lahaa ,,iyada oo tii magaalada muuqato hase ahaatee waxaa amuurtani lagu macneeyay inay ahayd ujeedo gaara oo la isla ogaa oo ay dad daaha ku daba jiraa soo maleegeen waxaana ilaa haatan laga war sugayaa in maamulka degmada boorama uu ka hadlo falkan uu dhulkaasi ku dumiyay magdhawna uu siin lahaa dadkii dhulkaasi lahaa ....

Saxaafada kala duwan ee magaalada boorama ka hawl gashaa way ka war hayaan gefka uu maayarku u geystay dhulkaa dadkaasi shacabku lahaayeen indhahoogana way ku soo arkeen sida ay xaalada halkaasi ahayd ,Walaw markii maayarka boorama hawlgalkaasi fulinayay ay goob joog ahayeen saxaafada xorta ah balse xaqiiqada rasmiga ah ayaa dibada u soo baxday ka dib markii dadkii dhulkaasi lahaa ay soo bandhigeen Dokumentiyo iyo filel cadaynaya inay dhulkaasi lahaayeen oo dawlada hoose laga soo saxeexay 

Isku soo wada duuuboo iyada oo aan indhaha laga qarsan karin gefkaasi maayarka boorama u gesytay hantida dadkaa shacabka ah laga dumiyay ee ay gashay lacagta badani ayaa ah ta ugu wayn ee maalmihii ugu danbaysay laga hadal hayay magaalada boorama ha yeeshee su,aasha is waydiinta mudan ayaa waxa ay tahay maayarka boorama gefkiisaa ma qaadan doonaa mise wuxu ku adkaysan doonaa awooda uu u adeegsanayo inuu dumiyo dhulka dadka shacabku leeyihiin ee lagu tabcay 


Nuux Kadiye 
Editor Boramapress
wariyenuuxkadiye@gmail.com 




0 Comments

Telesom

Telesom
Bc Game

About