Ilaa iyo mudo hore waxa lagu riyoonayay Riyo ahayd dakada magaalada Lughaya ayaa la dhisayaa oo waxa laga dhisayaa dakad Caalamiga oo ay ku soo xidhaan maraakiiibta taasina ilaa maanta ayay dadka dega gobolada galbeedku ku hamiyayaan in dakadaasi la helo oo la dhiso hase yeeshee ilaa haatan suurta gal maaha in la dhiso dakada Lugahaya
Sababta oo ah dakada lughaya dani uguma Jirto Xukuumada soomaliland iyo dawlada aan jaarka nahay ee Jabuuti hase yeeshee dawlada Ethopia ayaa ah mid iyadu baahi u qabta in la dhiso dakadaasi maxaa yeelay waxa ay noqonaysaa mid faaido u leh dalkaasi ethopia hase ahaatee waxa is waydiin mudan xukuumada soomaalilad ma ogolaan doontaa in dakadaasi la dhiso mise ma ogolaan doonto hadiise ay ogolaato ayaa waxa suurta gal ah in dhaqaalaha soomaaliland ee ku tiirsan dakadaasi uu gabi ahaanba uu xidhmo amase uuu istaago waayo waxa faaido wayn ku qabaysa dawlada Ethopia oo xuduud dhaw la leh gobolka awdal hase ahaatee iyana waxa xusid mudan in dawlada aan jaarka nahay ee Jabuuti aanay marnaba ogolaan doonin in reer awdal ay dhistaan dakada lughaya hadii kale dakadaha dalkaasi jabuuti ayaa waxa ay noqonayaan ,kuwo haawanaya oo lagu kala guuro ,,,, Dakada Lughaya dhisitaankeedu waxa uu saamayn dhaqaale ku yeelanayaa Dakadaha ku yaala magaalada barbara iyo dekadaha ku yaala dalkaasi jamhuuriyada jabuuti ,,,,, Hadaba su,aasha is waydiinta mudani waxa ay tahay oday dhaqmeedka reer awdal miyay riyoonayaan mise waa ka dhab in dakadaasi la dhisayo oo la maalgashanayo mise arintani waxa ay noqon doontaa halbacaad lagu Lisay ,,,, Reeer awdal ilaa inta ay gacantooda soo galinayaan dakada Lugahaya marnaba suuro gal maaha Dakada Lugahaya waa la dhisayaa waxaana iman doonta hadii la bilaabo in dakadaasi wajiga hore dhismihiisa mid khilaaf ka dhex abuuri kara Dalalka Jabuuti iyo soomaaliland waxaana khilaafkaasi uu salka ku hayn doonaa dhismaha dakada Lughaya ee la hadal hayo in la maalgashanayo oo la dhisayo taasina marnaba suuro gal maaha waana riyo ay riyoonayaan dadka iyagu u ololaynaya in dakadadaasi la dhisayo dadkaasina waa oday dhaqmeedka Reer awdal iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka awdal
BISHUBA HORTEEDA AYAY IMAN!
Diyaariye
Nuux kadiye
Edditor Boramapress
Wariyenuuxkadiye@gmail.com
0 Comments